Ramadaan

Qiso jaceyl oo xiiso iyo xamaasad badan oo dhex martay lamaane Somaliyeed “Qiso Dhab ah

Qisadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Deeq iyo Najma, Deeq ayaa ka sheekeeyay qisadaan oo mid cajiib badan ah.

sawirkaan iyo sheekadaan wax xiriira malahan

sawirkaan iyo sheekadaan wax xiriira malahan


Waxaan ku dhashay degmada Heliwaa ee magaaladda Muqdisho, waxaan kusoo barbaaray degmada Heliwaa gaar ahaan xaafadda Suuqa Xoolaha, waxbarashadeeda ayaa waxaan kusoo qaatay caasimadda.
Gabadha aan ifka ugu jeclaan doono ee Najma ayaanu waxaa ku wada noolleen degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, wuxuuna xiriirkaynu uu wanaagsanaaday mar ay kusoo biirtay Iskuulka Ablaal, xilli aan dhiganaayay fasalka koowaad ee dugsiga sare “Form One”.

Markii aanu Najmo isku fasal noqonay ayaa waxaan noqday ruuxa kaliya ee ay la-hadli jiray iyadoo iga dhigan jirtay inaan ahay ruux walaalkeyd ah, hadana inaan Najma isku soo dhawaano ayaa waxaa inoo sahashay anagoo ku wada noolleen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.
Mar walba oo aan Najma fasalka kasoo wada baxno ayaa waxaanu isu soo raaci jirnay dhinaca xaafadda Suuqa Xoolaha oo aanu ku wada noolleen, iyadoo subax kasta marka aan iskuulka soo aadayana aan Najma kusoo mari jiray gurigooda, isla-markaana Najma waxaa xilliyada habeenkii aanu ku wada sheekeysan jirnay khadka teleefanka.

Sidoo kale Najma waxay ahayd gabar fur furan oo aniga ii wanaagsan, ila kaftanta, ila qososha, isla-markaana aad iyo aad ayay iskugu kaaya bixi jirtay, iyadoo muddo kadib uu i soo weeraray cudurkii caashaqa ahaa, waxaana Najma u qaaday jaceyl igu weynaaday, hase yeeshee waxaan ka cabsan jiray in’aan Najma u soo bandhigto jaceylka aan u qabo, iyadoo ay sidaasi xaaladdu tahay ayay maalin maalmaha kamidah ay Najma iga qaadatay buug aan ku qoran jiray Madada Xisaabta ah, isla-markaana subixii markii aanu iskuulka imaanay ayay dib igu soo celisay buugii oo ay ku dhex jirto warqad.

Markaan guriga dib ugu laabtay ayaa waxaa warqadii ku qorneed ereyo jaceyl oo ay Najma igu soo bandhigeyso in’ay i jaceshahay, runtii markaan arkay sida geesinimada leh ay Najma igu soo bandhigtay inay i jaceshahay, ayaa waxaa iga tagtay cabsidii ku aadaneed inaan u soo bandhigo jaceylkeyga, isla-markaana habeenkii ayaa waxaan wacay Najma, markaas ayaa waxaan u sheegay inaan hellay dhambaalkii wanaagsanaa ay igu sheeganeysay caashaqa ay ii qabto, waxaana markaasi u sheegay inaan aniguba si’aad ah u jeclahay, balse aan ka baqi jiray inaan u sheegto.

Waxaa aniga iyo Najma inoo bilowday xiriir wanaagsan oo ka duwan kii hore ee walaaltinimada iyo baqdinta xoogga leh ee ku dhisneed, isla-markaana waxaan bilownay inaan isla qaadano waqtigeyna ku aadan jaceylka aanu isu qabno, hase ahaatee waxaan caqabad adag aan kala kulmay Najma hooyadeed, oo aallaaba u heysatay inaan aniga gabadheeda ka mashquulinaayo waxbarashadeeda.

Iyadoo ay xaaladdu cakiran tahay ayaa waxaa dhacday in Najma hooyadeed ay i soo bandhigto laba kala daran mid dooro, kuwaa oo kala ahaa inaan Najma u soo diyaar garoobo guurkeeda, iyo inaan Najma faraha ka qaado, si’aan uga mashquulin waxbarashadeeda, durbaba arinta adag ee aan kala kulmay Najma hooyadeed ayaa waxaan u soo bandhigay Aabahey, isla-markaana waxaan u sheegay inaan Najma jeclahay, aana doonaayo inaan guursado, laakiin Aabe ayaa wuxuu iga codsaday inaan siiyo dhawr bilood oo fursad ah, si’ buu yiri aan guur kuugu sameeyo.

Waxaa jirtay gabar ay qaraabo ahaayeen Najma oo ka imaaday dalka Maraykanka, taasoo ubad ay dhashay magaaladda Qaahira ee dalka Masar geysay, si halkaasi ay ugu bartaan Diintayna Suuban ee Islaamka, waxayna gabadhaasi ay codsatay in Najma loo-soo diro si’ay u caawiso, iyadoo ay saas tahay ayay muddo gaaban kadib ay Najma u amba baxday magaaladda Qaahira ee dalka Masar, isla-markaana maysan ii sheegin inay baxeyso iyo in kale.

Markii ay Najma igu cidleysay magaaladda Muqdisho ayaa waxaa i soo food saartay xaalad cakiran, waxaana noqday ruux bukaan socod ah, waxaana muddo dhan laba bilood aan ahaa ruux aan ku sugneen xaalad caadi ah, waxaan ka go’ay cunadii, waxaan ka go’ay iskuulkii, xitaa waxaan kaloo kari waayay inaan Timaha jarto, halka maalin kasta oo Khamiis ah aan jaran jiray.

Muddo laba bilood kadib ayaa waxaa ii yimid wiil la-dhashay Najma, wuxuuna uu ii keenay ciwaan Email ah oo ay leedahay Najma, wuxuuna uu igu dhahay Najma waxay ku dhahay igala soo xiriir Emailkaan, durbaba Emailkii ayaan ku darsaday, isla-markaana xiriirkayna ayaa dib u soo nooleynay, waxayna ii sheegtay inay si deg deg ah kusoo baxday, ayna ii sheegi weyday, waxayna ka cudur daaratay qaladka ay iga gashay.

Waxaa inoo bilow xiriir kaloo wanaagsan, waxaana igu sii saa’iday jaceylkii qaraaraa ee aan u qabay Najma, waxaana mararka qaarkood ay i soo diri jiray lacago, iyadoo i dhihi jirtay ku qabso ama ku sameyso wax-yaabaha aad dooneyso, iyadoo ay xaaladdu meel wanaagsan inoo mareyso ayaa waxaa baxday gabadhii ay Najmo la-joogtay, waxayna dib ugu laabatay dalka Maraykanka oo ay markii horeba ka imaaday, isla-markaana Najma ayaa waxay iyana iskaga tagtay dalka Masar, waxayna aaday magaaladda Tripoli ee dalka Liibiya, iyadoo dooneysay inay halkaasi kasii aado Qaarada Yurub, hase ahaatee iyadoo qorsheyneysa inay ka amba baxdo dalka Liibiya ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay ciidamadda ilaalada ee xeebaha dalka Liibiya, waxayna u taxaabeen xabsi, isla-markaana muddo dhan laba bilood ayay xabsi ku yaalla dalka Liibiya ay ku jirtay.

Markii ay xabsiga kasoo baxday ayaa waxay isbarteen wiil u dhashay dalka Jabuuti, kaasoo Jaamacad ka dhigan jiray magaaladda Tripoli ee dalka Liibiya, wuxuuna ahaa nin kasoo jeeda qoys lacag leh, isla-markaana wiilkaasi ayaa waxay ku raacday lacagtii uu lahaa, iyadoo uu yaraaday xiriirkeynii, isla-markaana Najma ayaa waxay igu dul waday wiilkaasi, waxaana xiriir la-sameeyay wiil iskukey yaqaanay aniga iyo Najma, kaasoo aanu wada degneen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, wuxuuna uu ii sheegay in Najma uu xiriir kala dhaxeeyo wiil Soomaali Jabuutiyaan ah, markaan Najma wax ka weydiiyay-na ayaa waxay ii sheegtay in uu warkaasi run yahay, isla-markaana ay dhawaan isguursan doonaan wiilkaasi, intaan garacmay ayay xaaladdu igu adkaatay, markaan ay xaaladdu igu xumaaneyso majoogi magaaladda Muqdisho oo waan iskaga soo tagay, oo markaan waxaanba ku noolahay dalka Koonfur Afrika.

Muddo kadib ayaa aniga oo jacel Najma aan ogaaday inay ku dhibaateysan tahay dalka Liibiya, waxaana dhawr jeer aan u diray lacago, maadaama markii aan magaaladda Muqdisho joogay ay si weyn ii dhaqaaleen jirtay, iyadoo ay xaaladdu sidaasi tahay xiriirkayniina uu sii yaraanaayo ayaa waxaan maqlay in Najma ay isguursadeen wiilkii reer Jabuuti.

Bilo kadib ayaa waxaan ku arkay khadka Internetka ah, waxayna ii sheegtay inay wanaagsan tahay, isla-markaana waxay ii sheegtay Teleefan aan kala xiriiri karo, hase ahaatee habeen habeenada kamid ah ayaan wacay, waxaana iga qabtay wiilkii qabay, waxaana ku iri Najma meyday, markaa ayuu i weydiiyay ruuxa aan ahay, deetana waxaan u sheegay inaan Deeq ahay, markaas ayuu igu yiri “War nin yahow Najma ayaa iga kaa sheekeysay, waxayna ii sheegtay inaad isjeclaan jirteen, laakiin calaf ayaa idin kala waday, anna calafkeega ayay Najma noqotay ee walaalo iska cafi”, markaas ayaa waxaan u sheegay inaanan waxba u qabin, sidaasi ayaana isku baranay wiilkii guursaday Najma.

Markii ay dhawaan dhibaatada ka dhacday dalka Liibiya ayaa waxaa dadkii Ajanabiga ahaa ee ku noollaa dalka Liibiya ay soo wajahday baqdin xoogan, waxaana maqlay in markaasi ay kala tageen Najma iyo wiilkii qabay, isla-markaana wuxuu isagu aaday dalka Masar, halka Najma ay iyaduna kamid ahayd dadkii qaxooti ahaanta ku gallay dalka Tunisia, hadaba hada Najma waxay ku sugan tahay dalka Tunisia, waxayna ii sheegtay inay kala tageen ninkii hore, bacdamaa ay hada madax banaan tahay ayaa waxay iga dalbatay inaan iska cafiyo, deetana aan isku soo laabano.

Ugu dambeen akhristayaasha sharafta leh waxaan ka codsan lahaa inay igala soo taliyaan arintaasi iyo sida aan ka yeelli lahaa, waayo Najma waan jeclahay, iyadoo ay sidaasi tahay ayaa waxaan dareemayaa kalsooni daro dhinaceeda ah, waxaan idinka codsan lahaa, bal inaad arintaan igala soo talisaan.

Xigasho:Somali love stories Facebook

Shabakada ayaamahanews.com -Mogdisho - Somalia Email:Info@ayaamahanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.