Ramadaan

Ciidamada Puntland ayaa Howlgal Ka Wada Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in ciidamada ammaanka ee Puntland ay saakay howlgal ballaaran ka wadaan xaafadaha magaaladaasi.

Waxay ciidamada daba socdaan shaqsiyaad dil u geystay sarkaal ka tirsanaa ciidanka ilaaliya dekadda Boosaaso.

Sarkaalka la diley ayaa lagu magacaabaa Xasan Xiireey, waxaana raggii diley oo ku hubeysnaa Bistoolado ay isaga baxsadeen goobtaasi.

Dad ka badan 20 ayaa howlgalkaan lagu soo qabtay, kuwaasi oo lagu baarayo saldhigga Boosaaso.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan weli wax faah faahin ah saxaafadda kama anaay siin howlgalkaan socda.

Amniga Boosaaso ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ahaa mid faraha kasii baxayey, waxaana magaaladaasi kusoo badanayey dilalka iyo qaraxyada

Shabakada ayaamahanews.com -Mogdisho - Somalia Email:Info@ayaamahanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.