Ramadaan

Xaalad Banii.Aadanimo Tii Ugu Darneed Mudo 50 Sano Ah Oo Ka Jirta Dalka Yemen

Madaxa hay’adda bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay,in dadka ku nool dalka Yemen ay wajahayaan xaalad aad u daran oo aan horay loo arag “, isaga oo ka digay in dalku ay ka dhacdo masiibada ugu xun ee bini’aadanimada nus qarnigii laga soo tagay.

Dalka Carabta ee ugu saboolsan dunida ayaa la daala dhacaya saddex sano oo dagaal ah oo u dhexeeya mucaaradka Xuuthiyiinta iyo ciidamada Sacuudiga oo daacad u ah madaxweyne Cabdullaahi Mansuur Hadi.
Khilaafka ayaa ku yeeshay saameyn ba’an, dalka taas oo keenaysa cunto yari baahsan iyo dillaac weyn oo cudurka daacuunka iyo sidoo kale malaayiin qof oo u baahan gargaar bani’aadamnimo.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha bani’aadamnimada iyo isuduwaha gargaarka deg dega ah, Mark Lowcock, ayaa sheegay Jimcihii in xaaladda maanta, ka jirta, ama ay ku noolyihiin dadka Yemen – ay tahay mid silac iyo rafaadba leh,”

“Daacuunka dillaacay ayaa ah midka ugu xun dunida kaas oo saameeyay noolasha malaayiin qof oo uu ku dhacay cudurka ilaa dhammaadkii 2017.”

Lowcock ayaa sheegay intaa raciyay in sidoo kale cudurka halista ah ee gawracatada, kaas oo si buuxda looga hortagi karo markii la helo tallaalka, “uu saameeyay ilaa 500 qof kuwa kalena a u dhinteen ” toddobaadyadii la soo dhaafay

Shabakada ayaamahanews.com -Mogdisho - Somalia Email:Info@ayaamahanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.