Ramadaan

Madaxweynaha Somaliya oo sheegay in la qaadayo hawlgalo ballaaran oo Shabaab ka dhan ah



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta shaaca ka qaaday inay qaadayan hawlgalo ballaaran, oo Shabaabka looga saarayo dalka.

Madaxweynaha oo maanta kormeer ku tagey Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho, ayaa kula kulmay Saraakiisha hoggaanada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona u jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay.
Madaxweynaha Farmaajo, ayaa yiri “Waxaan halkaan maanta u imid oo qayb ka ah inaan halkaan u bato, oo aan si joogto ah u wada shaqayno. Si aan isugu diyaarino hawlgalada nagu soo food leh.”

“Waxaan ognahay marwalba inay iyaga weerar soo qaadaan ay dadkeena laayaan, mar alla iyo markey damcaana ay weerar sameeyaan. Waxaa loo baahan yahay marka anagu inaan bedelno, oo aan anagu noqono kuwii wax weeraraayay, iyaguna ay noqdaan kuwii cararaayay ama is difaacayay.”

“Xukuumada waxay dhisan tahay sida loo ansixiyay waa sideed bilood iyo xoogaa, waxaan aaminsanahay in wax badan la qabtay wax badana ay inoo harsan yihiin, mar walbana aan dardaaran iyo wada hadal joogta aan idin heynay oo ay kow ka tahay in ciidanka dishibiliinkiisa la adkeeyo shuruucda la ilaaliyo, qof walba waa inuu ixtiraamaa kala dambeynta taas weeye waxa dowliga ah.”

“Arrimaha musuq maasuqa mar walbo si sahal ah ayaa dusha nalooga tuuraa, oo wixii xumaado anagaa nala dulsaaraa, arintii u dambeysay ee la leeyahay qaar ciidamadeena ka mid ah in macaawinadii la siinayay in hakad la gelinaayo waxaan idin sheegayaa anaga inaan isku tashano anaga inaan wax qabsano, dadkan Ajnabiga ee na taageera way mahadsan yihiin, ciidan geesiyiin ah ayaad tihiin waad soo halganteen wax kasta oo nalaga sheego, waxa weeye dadka u taagan dalkaan difaaciisa oo u diyaar ah inay ka saaraan cadowga umadda dhibaya intaas inay ku joogsato lama rabo, waxaa la rabaa dadka na caawinaya in kalsooni la galiyo.”

“Waxaan cadeynaynaa in hadii wax hakad ah la galiyo anaga dowlad ahaan waxaan ku dadaaleynaa in hakadkaas la galiyay Boqolkiiba Shan Boqol aysan qofna taaban, oo mushaar haday tahay iyo wixii kale oo agab ah oo looga baahan dowlada wixii karaankeeda ah inaan keeno taas oo aasaas u ah inaan isku tashano, hadii la yiraahdo ciidan ayaa halkaan ka baxaaya waa inaan walwalin oo aan isku tashano.”

“Waxaan sameynay tira koob sax ah oo ay wax inoo kala cad yihiin ciidanka shaqeeya, kuwa aan shaqeynin, kuwa hawlgabka u baahan, ciidanka dhaawaca ah iyo agoonta, waxaan gudbinay sharciga xaqsiinta oo aan dooneyno baarlamaanka sida ugu dhaqsiyaha badan inuu u ansixiyo si dad badan oo active u ah ciidanka ay u galaan dhanka xaqsiinta, oo mushaaradooda inta ay qaataan ay ku qaateen iyagoo hawlgal ah, kuwa dhaawaca sidaas oo kale, agoonta sdiaas oo kale oo aan kala naqaano ciidamada diyaarka ka ah oo hawgalada gali kara iyo kuwa dhaawaca ah oo aan la isku qasin, taas waxay inoo suurta galineysa imisa ciidan ayaan u baahanahay inaan tababar u dirno, dadka na caawinaya qaabkan maaha sida ay ku shaqeeyaan marka waa inaan is hagaajinaa iskuna tashanaa.”

“Aniga waqtigayga inta ugu badan waxaan siinayaa ciidan, dhaqaalaha inta ugu badan waxaan siineynaa ciidan, dhanka dagaalka ilaa aan dalkaan ka xureyno oo aan kusoo dabaaleyno nabad.”

Shabakada ayaamahanews.com -Mogdisho - Somalia Email:Info@ayaamahanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.