Ramadaan

Wasiirka Warfaafinta oo Kulan la qaatay Gudoomiyaha guddiga Warfaafinta golaha shacabka & Masuuliyiin kale

Muqdisho (AP) Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa kulan looga hadlayey sidii loo daah-furi lahaa madasha lagu xoojinayo Afka Soomaaliya la qaatay masuuliyiin ka socotay Akadeemiyad gobolleedka Afka Soomaaliga iyo guddoomiyaha guddiga Warfaafinta ee golaha shacabka.

Horraanta kulanka ayaa looga hadlay doorka wasaaradda ee dhinaca wacyigelinta Af Soomaaliga iyo in la bilaabo barnaamijyo lagu kobcinayo afkeenna, Guddoomiyaha guddiga Warfaafinta, dhaqanka iyo Isgaarsiinta ee golaha shacabka Soomaaliya Xildhibaan Khaalid Macoow ayaa wasiirka Warfaafinta guddoonsiiyey Warqad mahadcelin iyo boggaadin ku aaddan doorka wada shaqeyn ee Wasaaradda iyo guddiga.

Kulanka waxaa joogey xildhibaanno golaha shacabka ah, agaasimaha Telefishinka Qaranka iyo saraakiil ka socotay AGA.

Qeybta labaad ee kulanka ayaa lagu falan-qeeyey sidii loo abuuri lahaa loona dardargelin lahaa madasha kor u qaadidda Af Soomaaliga oo dabayaaqada bishan ka furmi doona magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha guddiga Warfaafinta, dhaqanka iyo Isgaarsiinta ee golaha shacabka Soomaaliya Xildhibaan Khaalid Macoow ayaa u mahadceliyey wasiirka iyo Wasaaradduba sida joogtada ah ee ay ula shaqeeyaan guddiga, iskana kaashan doonaan arrimaha Dhaqanka iyo xoojinta Afka Hooyo.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa sheegay in 28-ka bishan la furi doono madasha Akameediyada Afka Soomaaliga ee AGA, taas oo bilow u ah barnaamijyo lagu xoojinayo Af Soomaaliga.

Shabakada ayaamahanews.com -Mogdisho - Somalia Email:Info@ayaamahanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.