Ramadaan

daawo sawiro : NinDarbi jiif Ahaan jiray oo Noqday Taajir caan ah

Nin Madow ah oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa sanado badan uu dhib ku jiray kadib isku badalay nin Hantiile ah oo dunida caan ka ah, waxa uuna Ninkan noqday mid si weyn loo hadal hayo isbadalka noloshiisa ku timid.

Chris Gardner , Xaaskiisa iyo Wiil uu dhalay ayaa xaalad adag oo dhanka nolosha ah lasoo daristay sanadkii 1980-kii , kadib markii xiligaasi uu 27-sano jir ahaa laga saaray guri ay degnaayeen uu bixin waayay lacagta kirada.

Ninkan iyo Qoyskiisa ayaa noqday darbi jiif nolosha ku adkaatay, waxa ayna ku noolaan jireen jidadka dhaxdiisa iyo sidoo kale darbiyada kaniisadaha iyo dhismayaasha waa weyn, waxa ayna cuni jireen raashinka wadooyinka lagu soo daadiyo.

Qoyskan silica iyo saxiirta badan noloshooda qeyb kamid ah la kulmay ayaa waxa ay ku noolaayeen San Francisco dalka Mareykanka, waxa uuna aabaha Qoyskan ku dadaalayay in uu mar un ka baxo nolosha adag ee lasoo daristay.

Mr Gardner ayaa ku dadaalay sidii uu shaqo ku heli lahaa, waxa uuna mudo kadib shaqo ka helay shirkad uu ka caawinayay iibinta saamiyada, hasa ahaatee tababar uu qaatay kadib ayaa maamulaha shirkada waxa uu shaqo siiyay Mr Gardner.

Ninkan Nolosha adag lasoo daristay ayaa Markii dambe wuxuu awood u yeeshay inuu guri kireysto, Shaqadiisa ayaana kor u kacday Sanadkii 1987-dii, wuxuu furtay shirkad maalgashi oo uu asiga leeyahay oo uu ugu magacdaray, Gardner Rich.

Chris Gardner oo hada 62-sano jir ah ayaa noqday nin heesta hanti aad u badan, waxaana dhaqaalaha uu ninkan heesto lagu sheegay 60 milyan oo Dollar, waxa uuna Gardner socdaalo kala duwan ku bixiyaa dacalada dunida , waxa uuna waqti ku bixiyaa in uu dadka ku dhiira galiyo in ay dhibka nolosha u adkeestaan.

Hantiilahan qeyb kamid ah noloshiida lasoo kulmay silica iyo saxiirta ayaa hada ku nool nolal aad u heer sareysa, waxa uuna hada maal galiyaa Hay’ado dhoor ah ay ku jiraan kuwa caawiya dadka guri la’aanta ah iyo hay’adaha ka hortaga xadgudubka ka dhanka ah dumarka.

por_2

por_3

Shabakada ayaamahanews.com -Mogdisho - Somalia Email:Info@ayaamahanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.